(Shenzhen) 19 Maajo 2021 – Kumannaan qof oo ka dukaamaysanayey magaalada ku taalla koonfurta Shiinaha ee Shenzhen ayaa mar qura kala cararay kaddib markii uu dabaq gaaraya 957-cagood (291-mitir) uu mar qura bilaabay inuu kaligii warwareego oo dhaqdhaaqo.
Muuqaallo lasoo duubay oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa laga arkayaa dadkii oo dibedda u kala cararaya, tiiyoo ay qaarkood cabaadayaan oo ay dib u jalleecayaan dabaqa gariiraya.
Tan ugu darani waxay ahayd inuu jawigu wanaagsanaa isla markaana aanu jirin wax dhul gariir ah oo gobolka ka dhacay. Dhimasho iyo dhaawac weli lama soo sheegin.
Dabaqa SEG Plaza ee Shenzhen ayaa ruxanka bilaabay 12:30 p.m. ilaa 15,000, waxaana sida uu sheegay Maamulka Dowladda Hoose ee magaaladu dadka lagu daad gureeyey muddo 90 daqiiqadood ah ama saacad iyo bar.
Waxaa weli la baarayaa waxa dhacay, maadaama ay saadaasha hawadu sheegaysey dabayl aan badnayn oo ku socota 20 mph (20 mayl/saacaddii), taasoo ah dabayl iska caadi ah.
剛剛中午時分,位於深圳華強北,樓高73層的賽格電子大廈突然搖晃,原因不明也沒地震!樓宇內人群和樓下人群紛紛逃命! pic.twitter.com/aoixkH6OeY
— 風再起時【香港挺郭后援會3】 (@dZnJUCdo4FlZqgd) May 18, 2021
Hadalsame Media