(Lamu) 19 Maajo 2021 – Dhowr askari oo Kenyan ah oo ka tirsan Xoogga KDF ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen, halka ay qaar kale dhaawacmeen, kaddib markii gaari ay saarnaayeen uu dul maray qarax macmal ah (IED) oo ay dhigeen kooxda Shabaab.
Qaraxan oo ka dhacay Baure, Lamu East, ayaa gaystey waxyeello uu Taliyaha Ciidamada Lamu County, Irungu Macharia uu sheegay inaysan weli go’aamin karin xaddigiisa.
Baure waxay ka tirsan Kaymaha Boni Forest halkaasoo ay Dowladdu tan iyo 2015 ka waddey howlgallo amaan oo la magac baxay Linda Boni, si meesha looga saaro saamaynta Shabaabka.
Mr Macharia ayaa dadwaynaha ku wargeliyey inaysan cabsan oo ay howlgalladu u socdaan sidii la doonayey, balse wuxuu qiray inaysan xog badan haynin shabakadda isgaarsiineed ee aaggaasi oo liita awgii.
Mar dambe ayaa waxaa hadlay ninka xiriirka dadwaynaha ugu qaybsan KDF, Col Zipporah Kioko, kaasoo sheegay inay dhinteen ugu yaraan 2 askari, 3 kalena ay dhaawacmeen, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalka Ciidamada ee Defence Forces Memorial Hospital ee Nairobi.
Shilkan ayaa imanaya 2 todobaad uun kaddib markii ay sidoo kale 2 qofi dhinteen midna uu dhaawacmay kaddib markii uu gaari ay saarnaayeen dul maray qarax macmal ah, 27-kii Maajo meel aan u dheerayn Border Point 27 oo ah xadka labada dhinac.
Hadalsame Media