Puntland oo tillaabo loo baahnaa ka qaadday arrin ay ka gaabisay DF Somalia

0

(Garoowe) 18 Maajo 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku saabsan in af-Soomaali lagu qoro boorararka iyo qoraallada kale ee dadwaynaha loosoo bandhigayo.

”Iyadoo la eegayo xeerarka 4, 5, 7 iyo 13-aad ee ku saabsanaa boorarka iyo magacyo bixinta meheradaha, laga bilaabo May waa in la waafajiyo ilaalinta af-Soomaaliga.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo Wasaaradda Warfaafinta.

Puntland ayaa soo jeedisey in markasta uu muhiimadda 1-aad yeesho af-Soomaaligu xitaa haddii af 2-aad meesha lagu qorayana waa in uu Soomaaligu noqdaa midka 1-aad ee la qorayo.

Arrintan ayaa ah mid looga baahnaa DF Somalia oo aan arrintaas wax awaamiir ah kasoo saarin, maadaama afka iyo arrimaha la xiriiraa ay yihiin kuwo ka mid ah mas’uuliyadaha DF Somalia.

Hadalsame Media