(Wajeer) 18 Maajo 2021 – Barasaab-xigeenkii Maamul-goboleedka Wajeer, Ahmed Ali Muktar, ayaa maanta oo Talaado ah loo dhaarinayaa inuu noqdo Barasaabka rasmiga ah ee Maamulkaasi, kaddib qoraalkii Kenya Gazette.
Mr Muktar ayaa bedeli doona Mohamed Abdi Mohamud, kaasoo loo gole joojiyey ku takri fal awoodeed, kaddibna ay 25 Senatar ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu si xun ugu tuntay Dastuurka Kenya.
Senatarka Nyamira, Okongo Omogeni, oo guddoomiye u ahaa dabagalka lagu sameeyey Barasaabka, ayaa ka aamusay codaynta, halka ay codaynta ka maqnaadeen Ochilo Ayacko, James Orengo iyo Mutula Kilonzo. Senatarrada Samson Cherargey iyo Kipchumba Murkomen ayaa iyagu u codeeyey inuu xilka sii haysto.
Waxyaabaha Barasaabka lagu qabsaday ayaa waxaa ka mid ah 15 eedood ay ku jiraan ku takri fal awoodeed, wax is dhaafdhaafin maaliyadeed iyo in aanu dadka gobolkiisa siinin adeegyadii caafimaad ee ay uga fadhiyeen.

Hadalsame Media