Wiil ka mid ah dhallinyarada kubadda ciyaara oo lagu diley degmada Dharkeynleey

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2021 – Wararka laga helayo degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir aya sheegaya in maqribnimadii caawa halkaasi lagu dilay mid ka mid ah dhallinyarada degaanka.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdifatax Abdinasir Mursal ayaa lasheegay in xilliga la dilayay uu ka yimid garoon lagu cayaaro kubadda cagta.

Goobjooge ka mid ah dadka degaanka oo xiriir lasoo sameeyay warbaahinta ayasheegay in kooxaha dilka geysatay ay ahaayeen laba ruux oo afka soo duubtay.

Madaxa ayay kaga dhufteen xabado kaddibna waa ay baxsadeen ayuu sii raaciyay goob joogaha oo sheegay in Cabdifatax uu  isla goobtii ku geeriyooday.

Falalka dilka ayaa kusoo badanaya magaaalada Muqdisho  gaar ahaan degmada dharkeynleey iyadoo habeen kahor degmadaasi  kooxo hubaysan ay ku toogteen oday katirsanaa dadka degaanka.

Hadalsame Media