Sababtii gaarka ahayd ee ay Kenya u hakisay duullimaadyada Somalia oo la ogaadey

0

(Nairobi) 15 Maajo 2021 – Warqaadka afka dheer ee Daily Nation oo xiganaya ilo wargal ah, ayaa qoraal ka sameeyey sababtii ugu dambaysey ee dhalisay inay Nairobi si deg deg ah u hakiso duullimaadyadii kaga imanayey dhanka Somalia muddo 3 bilood ah, marka laga reebo kuwo yar.

Warqaadka ayaa intaa raaciyey in Kenya ay ka xanaaqdey laba dayuuradood oo Jaad sidey oo ay hawada ka celisey DF Somalia, kuwaasoo ay iska leedahay sharikadda Bluebird Aviation.

Hay’adda SCAA ee Duullimaadyada Rayidka ugu qaybsan Somalia, ayaa labadaas dayuuradood ku eedaysay inay iska soo galeen hawada Somalia, xilli uu weli taagan yahay amarkii lagu joojiyey Jaadka Kenya.

DF Somalia ayaa ku doodday in ay soo celisey xiriirkii labada dhinac balse aanu Jaadku ku jirin waxyaabaha dib loo furay, taasoo ay ka carootey Kenya oo waxa qura ee ay Somalia kula gorgortami karto u aragta Jaadka ay halkaa gayso.

Markaa kaddib waxay 9-kii bishan Maajo ku dhawaaqday inay gebi ahaanba hakisay duullimaadyadii Somalia, iyadoo aan xitaa bixinin xilli kala guur ah, taasoo ay dhibaatooyin badani kala soo derseen dad shacab ah oo caafimaad, ganacsi, safar caadi ah, degaan iyo waxbarasho ugu socdey Kenya.

Dad badan ayaa qaba inaysan tillaabo wanaagsan ahayn in ilaa heerkaas la xumeeyo xiriirka Kenya iyadoo la joojinayo Jaadka Kenya lana fasaxayo midka Itoobiya oo ah dal ay berriba siyaasaddiisu is bedelayso, haddiiba aysan iyadu la imaanin shuruud ah inay isku xirto xiriirka caadiga ah iyo arrimaha muranka Badda, taasoo aysan ilaa haatan samaynin.

Hadalsame Media