(Tel Aviv) 14 Maajo 2021 – Shirkadaha dayuuradaha waawayn ee Maraykanka iyo Yurub ayaa hakiyey duullimaadyadii ay ku tegi jireen Israel kaddib markii Gaza laga soo ridey gantaallo aargoosi ah oo ay ridayaan kooxaha Falastiin.
Sharikaadka British Airways, Lufthansa, Virgin Atlantic iyo Iberia oo Yurub ah ayaa ku biiray kuwa Maraykanka sida United Airlines, Delta Air Lines iyo American Airlines oo wada kansalay duullimaadyadii ay ku tegi lahaayeen Tel Aviv, Arbacadii.
Shirkadahan ayaa wada sheegay in sababta ay duullimaadyadan u hakiyeen ay salka ku hayso walaac dhanka amaanka ah kaddib markii ay dhowr gantaal ka gudbeen daafaca cireed ee ay Israel ku faani jirtey ee Qubbada Birta ah.
Wizz Air ayaa iyaduna maanta hakisay duullimaadyadii ay iskula xireysey Abu Dhabi iyo Tel Aviv. Sharikadda Flydubai ayaase sheegtay inay sii wadayso duullimaadyada ay ku tegeyso Tel Aviv, balse haatan waxaa la kansalay duullimaadyadeedii.
Israel ayaa Isniintii hore iyadu iskeed si KMG ah ugu xirtey Garoonka wayn ee Ben Gurion Airport iyadoo duullimaadyada badankood ka weecisey agagaarka caasimadda Tel Aviv, iyadoo loo weecday garoon yar oo ku yaalla koonfurta oo la yiraahdo Ramon.
Hadalsame Media