(Torino) 14 Maajo 2021 – Daafaca adag ee AC Milan ee Fikayo Tomori ayaa dhulka waray jookarka Cristiano Ronaldo kulankii ay AC Milan 3-0 uga soo badisay kooxda Juventus.
Daafacan oo weli mikliyad ahaan iska leedahay kooxda Chelsea waloow ay Milan wada iibsan karto, waana 23-jir saamayn wayn ku yeeshay kooxda Milan oo haatan qorshaynaysa inay ka bixiso 30m ku dhowaad.
Tomori oo Milan oo uu Jannaayo yimid u saftay 19 kulan ayaa gool ku lahaa 3-dii ay Milan ku dishey Juve, balse daafacan dhexe ee reer Ingiriis ayaa sameeyey arrin kale.
Ronaldo iyo isaga ayaa soo wada doontay kubbad 50-50 ah, balse waxaa si qurux badan loo jireeyey kubaddiina looga buundaystay Ronaldo oo dhulka warmay, waxaana la arkayey 36-jirkan reer Portuguese oo dhulka sii yaalla dhowr ilbiriqsi.
Guuldarrada Juventus gurigooda ku qabsatay ayaa sanadkan seejin karta inay gebi ahaanba kasoo muuqdaan Champions League.
can’t believe tomori casually did this to cristiano ronaldo pic.twitter.com/hPVAzzMXGh
— Para (@Paracelsus) May 10, 2021
Hadalsame Media