(Washington DC) 14 Maajo 2021 – Caasimadda Maraykanka ee Washington DC ayuu shidaalku kasii dhamaanayaa maanta xitaa markii uu dib u shaqa bilaabay hannaanka baybabka shidaalka Maraykanka ugu ballaaran oo maalmihii dambe dhulka la dhigay kaddib markii ay jabsadeen burcad danabeed dhanka Internet-ka ah.
Kaddib markii uu 6-maalmood xirnaa hannaanka sharikadda Colonial Pipeline taasoo muujisay sida ay kaabayaasha muhimka ah ee Maraykanku ay baylah ugu yihiin burcadda internet-ka, waxaa shidaal yari wajahaysa caasimadda iyadoo ay saraakiishu dadka u sheegayaan inay xaaladdu caadi kusoo noqonayso.
Waloow ay tubooyinkii shidaalku dib u howl galeen misna meelaha dhaca Koonfur Bari Maraykanka ayay saldhigyada shidaalku maran yihiin oo uu gaasku ka dhamaaday, sida ay sheegayso warbaahintu.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa jeer ay dadku u safrayaan meelo kala duwan xagaaga soo gelaya iyo xayiraadaha Covid-19 oo la dabcinayo dartood, waxaana dhacday in sicirka celceliska ah ee nafto-Maraykanku ay gaarto $3.04, taasoo ah kii ugu sarreeyey tan iyo Oktoobar 2014, sida ay sheegtay Iskaashatada Gaadiidleeyda dalkaasi.
Si kastaba, Colonial Pipeline ayaa xalay sheegtay inay dib u howlgeliyeen tubooyinkoodii xarumaha saliidda sifeeya ka imanayey ee tegayey inta badan magaalooyinka Xeebaha Bari ee Maraykanka, waloow uu weli shidaalku ku yar yahay North Carolina, Virginia, South Carolina iyo Georgia.
Burcadda jabsiga lagu tuhmayo oo la yiraahdo DarkSide, ayaa sheegtay inay u dheceen 4 sharikadood oo kale sida xarun ay leedahay Toshiba oo ku taalla Jarmanka, iyadoo Colonial Pipeline aysan weli sharraxaad ka bixinin sida ay kooxdani u jabsatay, halka ay wararka qaarkood lagu qoray Bloomberg News ay sheegeen in ay bixisay $5 milyan oo baad ah.
Kooxdan ayay u suurtagashay inay xannibaan shidaalkii kala duwanaa sida naftada, baasiinka iyo gaaska dayuuradaha ee aadayey Xeebaha Bari, iyadoo haatan uu halkaa usii socdo shidaal Yurub laga dalbay.
Hadalsame Media