Fikayo Tomori oo jebiyey rikoodh horay ugu yaalley jookarka Ronaldo

0

(Milano) 12 Maajo 2021 – Kooxda AC Milan ayaa guul aad muhim u ahayd waxay Axaddii ka gaartey kooxda Juventus oo ay 1-3 kusoo suul daartay kulan ka dhignaa kala bax dhanka CL ah.

Daafaca Fikayo Tomori ayaa kulankaa wacdaro ka dhigay isagoo ka mid gidaarradii shubka ahaa ee ay dhaafi waydey kooxda Bianconeri.

Laacibkan Anglo-canadian-ka ah ayaa sidoo kale rikoodh cusub oo dhanka bootinta sare ah ka dhigay Serie A.

Daafaca reer Ingiriis ayaa boodey 2.63 cm, taasoo jebisey rikoodhkii Ronaldo oo ahaa 2.54 cm oo ahaa gool sidoo kale madax ahaa oo uu Ronia ka xareeyey kooxda Sampdoria 2020-kii.

Laacibkan oo Chelsea amaah uga soo maqan ayaa lagu wadaa inay Milan si rigli ah ula wareegto kaddib markii lagu qancay daafaciisa rafka ah.

Hadalsame Media