Duullimaadyada ay Kenya joojisey oo gudaha Somalia ku yeelan doona saamayn aad u culus (Arag labadan arrimood)

0

(Nairobi) 11 Maajo 2021 – Dowladda Kenya ayaa hakisay duullimaadyadii ka imanayey Somalia taasoo loo qaatay mid ay uga dabaaqayso go’aamo isku noqnoqanaya oo maalmihii u dambeeyey kasoo baxayey dhanka Madaxtooyada Somalia.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hakinayso duullimaadyadii ka imanayey Somalia oo idil, marka laga reebo gurmadka caafimaadka iyo diyaaradaha arrimaha bani’aadanada muddo 3 bilood  ah wixii laga bilaabo maanta, sida ku dhigan war kasoo baxay Hay’adda Duullimaadyada Hawada Kenya.

LABA ARRIMOOD OO MUHIM AH:

1 – Arintan ayaan Somalia ku yeelanin kaliya dhibaato ku aaddan dhanka dadkii ganacsiga, caafimaadka iyo danaha kale u aadi jirey Kenya, balse waxay yeelanaysaa saamayn maxalli ah, maxaa yeelay, dayuuradaha dadka u kala qaada gudaha Somalia ee u ijaaran ganacsatada Somalia waxaa gebigood laga leeyahay ama ay ka diiwaan gashan yihiin dalka Kenya mana jiro dal kale oo ka mid ah kuwa deriska oo laga heli karo adeegyada noocan ah.

2 – Jaadka Kenya laga joojiyey ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Kenya ka dabaaqayso, balse dad badan ayaa dhanka kale soo hubiyey in sababta Jaadka Kenya loo xayiray aysan ahayn mid siyaasadeed, balse ganacsato gaar ah loo xirey suuqa Jaadka Hareeriga ee Itoobiya laga keeno, kuwaasoo la siinayo fursad ay suuqa ugu haystaan (monopoly), waana arrin gebi ahaanba ka horjeedda Dastuurka dalka.

Si kastaba, Madaxtooyada ayaa haatan dib u bilowday inay qaaddo tillaabooyin loo fasiri karo kharbudaad xilli uu Madaxwaynuhu horay u sheegay in hadda kaddib doorasho uun laga hadli doono oo uu howlihiina ku wareejiyey RW Rooble, kaasoo isna Cumro iska aadey xilli uu dalku ku jiro xaalad cakiran.

Guud ahaan, Somalia ayaa ah dal kasoo kabanaya dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, iyadoo u baahan siyaasad xasilloon oo lagula dhaqmo dalalka ay danuhu kala dhexeeyaan.

Hadalsame Media