(Abuu Dabeey) 08 maajo 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 3-aad ka galay dalalka aadka u iibsada hubka Turki sameega ah qiimayn laga sameeyey rubaca 1-aad ee sanadkan 2021, sida lagu qoray Anadolu.
Waxaa kaalinta 1-aad ku jira dalka Maraykanka taasoo dad badan sidoo kale la yaab ku noqotay, iyagoo Turkiga ka iibsadey hub ku kacaya $386 milyan oo doollar, taasoo ka dhigan koror 56% ah markii loo eego xilligan oo kale sanadkii tegey.
Dalka Azerbaijan oo ay Turkiga isku qoowmiyad yihiin ayaa kaalinta 2-aad ku jira isagoo iibsadey hub ku kacaya $117 milyan oo doollar, halka uu Imaaraadku gatay hub ku fadhiya $90 milyan oo doollar. Waxa laga hadlayaa waa 4-tii bilood ee ugu dambeeyey.
Sidoo kale hubka uu Turkigu guud ahaan dunida ka iibiyo ayaa kordhay 47.7% marka la eego bilaha ugu horreeya sanadkan 2021.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dhoofka Turkigu, Turkiga ayaa Jannaayo iibiyey hub ku kacaya $167 milyan oo doollar, Febraayo $233 milyan, Maarso $247 milyan, halka uu $302.5 milyan hubkiisa ku iibiyey bishii Abriil ee dhamaatay.

Hadalsame Media