Sucuudiga oo jidka Madiina aada ka tiray calaamaddii u diidaysey dadka aan Muslimka ahayn

0

(Madiina) 06 Maajo 2021 – Sucuudiga Carbeed ayaa qoraalkii “Muslimiinta oo qura” ka saaray astaanta gawaarida hagta ee dadka ku toosinaysey Masjidka Nabiga (NNKH) ee Al-Madinah Al-Munawwarah, oo ah meesha 2-aad ee Islaamka ugu barakada badan Maka kaddib.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro muujinaya boor jideedka oo haatan lagu soo reebay qoraal u dhigmaya “Agagaarka Xaramka” iyadoo ay dad Sucuudiyiin ihi siyaabo kala duwan uga hadleen arrintan.

Muslimiinta oo qura ayaa loo ogol yahay meelaha u dhow Masjidka Nabawiga ah (NNKH), iyadoo aan weli sharraxaad rasmi ah laga helin Boqortooyada gacanta birta ah ku haysta dalkaasi.

Tillaabadan ayaase loo arkayaa mid ka mid ah wax lagu sheegay ”Aragtida MBS ee 2030”. taasoo uu Dhaxal-suge Mohammad Bin Salman ku doonayo inuu dhaqaalaha Sucuudiga ee saliidda haatan ku salaysan uu kusoo daro wax soo saar kale sida wershado, dalxiis, adeeg, isgaarsiin iyo tiknolojiyad.

Hadalsame Media