(Nairobi) 06 Maajo 2021 – Waxaa dalka Kenya haatan ku sugan MW Tanzania ee cusub ee Samira Suluhu, taasoo durba lagu soo dhoweeyey Madaxtooyada dalkaas ee State House oo ay xitaa ku qaabishey haweenka Muslimka ah ee Kenya oo ay afur u samaysay.
Kenya oo tan iyo markii ay Somalia gashay xasaradda siyaasadeed ee ka dhalatay arrimaha doorashada iyaduna ambaqaadaysey tillaabooyin diblomaasi ah oo Somalia ka dhan ah, ayaa la fahamsan yahay inay doonayso inay Tanzania oo ah dal aysan inta badan Somalia is daakhilin soo geliso arrinta doodda ay ku sheeganayso biyaha Somalia.
SOURCES
Mama Suluhu is said to write a protest letter to ICJ on Somalia-Kenya maritime case. Tanzania who will also be affected if ICJ rules per Somalia claim, advises the court to not be an initiator of a boundary tussle #LifeBeforeCovid is long in coming but good news at least pic.twitter.com/r0p6ejiv4i— Marine Group Kenya (@MarineGroupKE) May 6, 2021
Kenya ayaa Marwo Suluhu ka doonaysa inay warqad ashtako ah oo rasmi ah u qorto Maxkamadda ICJ, iyadoo u sheegaysa in dhan kale laga eego dacwadda Somalia-Kenya, taasoo haddii Somalia loo xukumo keeni doonta inay qoorta isla galaan Kenya iyo Tanzania iyo dal kasta oo koonfur kaga sii beegan.
Tanzania ayay iyada arrintan dani ugu jirtaa maadaama ay Kenya kula jirto heshiis iyada u danaynaya balse dood geli doona haddii ay cadaato inay Somalia saxan tahay oo aan la raacaynin hannaanka jiitinta dhinac-roorka ah.
Hadalsame Media