WARBIXIN: Gantaal cirka kasoo laabtay oo dhulka kusoo socda & Bentagon oo raadinaya (Maalinta & goorta la filayo?)

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2021 – Gantaalka Long March 5B oo ah roketkii qaaday moodalka Saldhig-cireedka cusub ee Shiinaha ayaa soo galay wareegga dhulka waxaana haatan la sugayaa soo dhicitaankiisa.

Roketkan oo uu cufkiisu yahay 21-tan ayaa saacaddii jaraya 8,000 oo KM, ama haddii si kale loo dhigo 7 KM ilbiriqsigiiba.

Halkan ka daawo markii la ganayey….

Gantaalkan ayaa todobaadkii tegey laga tuuray moodalka Tianhe, kaasoo noqonaya Saldhig-cireedka Shiinaha ee mustaqbalka (CSS). Nasiib xumo, gantaalkan oo uu dhererkiisu yahay 30-mitir ayaa isagoo ay jahadu ka wareersan tahay dhulka dib ugu soo socda, waana walax cirka kasoo dhaca oo dad samee ah middii abid ugu waynayd xilliyada casriga ah.

Caadi ma aha in roketyadu ay yeeshaan kaynaanta loo baahan yahay si ay dhulka ugu soo laabtaan, balse gantaalkani dhulka ayuu usoo dhowaanayaa 90-kii daqiiqaba, isagoo dhinac maray magaalooyin kala durugsan sida New York, Madrid, Beijing, ilaa koonfurta fog ee caalamka sida Chile iyo New Zealand.

Cabsida ugu wayni haatan waa in uu gantaalkani ku habsado meel ay dad badani joogaan, balse waloow uu mar mar usoo dhowaanayo wareegga ama falagga dhulka misna weli lama yaqaanno goorta iyo goobta uu iman karayo.

Caadiyan, gantaalaha sidan oo kale u xumaada waxaa markiiba lagu burburiyaa burburin xakamaysan amaba waxaa guba jawiga dhulka marka uu hawada dib usoo galo, balse midka Shiinuhu waxaaba waa mari la’yihiin.

Bishii Maajo ee sanadkii tegey, ayay ahayd markii uu sidan oo kale usoo dhacay gantaal jawahareersan oo ay Shiinuhu sanceeyeen, kaasoo xilligaa ku dhacay Badwaynta Atlaaniga dhanka Galbeedka Afrika, waxaana firirka laga sheegay ilaa Ivory Coast.

Hay’adda Gaashaandhigga Maraykanka qaybta Taliska Hawada Sare (Space Command) ayaa sheegtay inay isha ku haynayaan gantaalkan, waloow ay qirteen inaan war cad laga heli karin ilaa iyo saacad kaddib marka uu dib usoo galo jawiga dhulka.

Webka Aerospace.org ayaa isna raadinaya gantaalkan habowsan ee xambaaraha ah, waxayna sida Bentagon qiyaasayaan inuu dhulka dib ugu soo laaban karo bishan Maajo 8-deeda, saacaddu marka ay tahay qiyaastii 9:30 p.m. waloow ay saadaashu is bedeli karto.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media