(Moscow) 30 Abriil 2021 – Dalka Ruushka ayaa war kooban kasoo saaray marxaladda murugsan ee uu haatan dalku marayo xilli aanu jirin dhinac uu u jihaysan yahay.
Ruushanka ayaa se laftiisu soo diray farriin aan bixinaynin hal aragti balse u kala jeedda laba jiho oo uu dhinacna ku sheegayo inuu dunida wax la qabo dhinac kalena uu ku ballan qaadayo inuu Somalia taageerayo, taasoo yeelanaysa fasiraado kala duwan.
”Waxaannu la soconnaa xaaladda dalka Somalia oo ay uga dartay qabasho la’aanta doorashada guud bishii Febraayo,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Ruushanka oo qiraya in uu dhibku ka yimid qabasho la’aanta doorashada.
”Ka xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Amaanka ahaan, waxaannu qorshaynaynaa dadaallada caalamiga ah waxaana taageero wayn siinaynaa Muqdisho.” ayaa la raaciyey, iyadoo qaybtan dambe laga bixin karo fasiraado kala duwan.
Tusaale, Ruushku maaadaama uu qoraalka meesha dambe kaga daray xaraf xiriiriye ah oo ah iyo, waxaa loo qaadan karaa in wixii ka dambeeya ay tahay taageero isaga u gaar ah, balse maadaama uu horay u xusay laba arrimood oo ay midi tahay qiraalka fashilka oo uu si ahaan ugu eedaynayo DF iyo kan 2-aad oo ah inuu isku darayo dadaallada caalamiga ah, inta dambe culays badan yeelan mayso oo saamigu waa 2:1.
Si kastaba, Ruushka ayaan wax xiriir ah oo micne leh Somalia la yeelanin tan iyo 1978-kii markii si halhaleel ah loo eryey ciidamadii Soofiyeetka ee Somalia joogey, taasoo ka mid ah khaladaadka ugu waawayn ee istaraatijiga ah ee ay Somalia samaysay.
Hadalsame Media