(Lagos) 29 Abriil 2021 – Qoraaga caanka ah ee reer Nigeria ee Reno Omokri oo sidoo kale ah gayfane siyaasadeed iyo u ololeeye xuquuqda aadanaha, ayaa hiillo la yaab leh u muujiyey dalka Somalia.
Dad badan oo Nigerian ah ayaa beryahan bilaabay inay baraha bulshada isku dhaafsadaan doodo ku saabsan in uu dalkoodu sii qaybsamayo iyadoo ay Biafra markale dalbanayso gooni u goosad, waxayna qaarkood ku doodeen inay noqon karaan ”sida Somalia.”
Yeelkeede, Omokri ayaa arrintaa kala hor yimid mucaaradad ba’an isagoo ku doodaya in aanay jirin wax ay maanta Somalia ku cowrido dalka Nigeria.
”Kuwa leh Nigeria waxay mar dhow noqon kartaa sida Somalia haddii aan wax laga qaban, waa inay raalli gelin siiyaan Somalia,” ayuu ku dooday qoraagu.
”Sida ku cad Taxa Argagixisada Adduunka, haatan waan la liidannaa Somalia. Marka annaga ma aha cidda ka ducaysanaysa inaynaan noqon Somalia oo kale. Waa Somalia cidda ay tahay inay ka ducaysato inay noqoto annagoo kale.” ayuu raaciyey, isagoo bandhigay liiska oo ay Nigeria ka mid tahay 3-da dal ee dunida ugu horreeya.
Those saying Nigeria may soon be like Somalia if care isn’t taken, should apologise to Somalia. According to the Global Terror Index, we are now worse than Somalia. It’s not us that should pray not to be like Somalia. It is Somalia that should pray not to be like us#TableShaker pic.twitter.com/CA8NLqxSJ0
— Reno Omokri (@renoomokri) April 27, 2021
Hadalsame Media