Maraykanka oo soo dhoweeyey tillaabaddii RW Rooble talo gaar ah u jeediyey Madaxwaynaha & Aqalka Hoose

0

(Washington, DC) 29 Abriil 2021 – Mareykanka ayaa ka war dhowraya ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee 28-kii Abriil uu ku sheegay inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17 isla markaana uu si dhakhso leh dib ugu bilaabo wadahadalkii uu la lahaa hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada.

“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi’inta hindise sharciyeedka muddo kordhinta ee 12-kii Abriil,” Ayaa lagu yiri War kasoo WAD Maraykanka.

Maraykanka ayaa soo jeediyey inuu doorkiisa qaato Madaxa Xukuumadda Federaalka ah, RW Rooble.

“Waxaan ku bogaadineynaa Raiisel Wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay lana qabto doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan,” Ayaa la raaciyey.

Doorashadaas ayaa lasoo jeediyey in lagu saleeyo Heshiiskii Sebtembar 17.

“Dhammaan hoggaamiyeyaashu waa inay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda danta ummadda Soomaaliyeed ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo iyagoo diyaar u ah tanaasul.” Ayaa lagu boorriyey.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa ciidamada Amniga ee Soomaaliya iyo dhamaan kooxaha hubeysan in ay halkooda ku joogsadaan oo ay ogolaadaan in wadahadalka siyaasadeed uu dib ugu bilowdo jawi ka caagan rabshadaha iyo cagajugleynta. Sii socoshada iskahorimaadku wuxuu kaliya u adeegi doonaa inuu uga sii daro xaaladaha dadka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu soo af jaray Warkan oo uu ku saxiixnaa Ned Price, Afhayeenka Waaxda Arri. Dibedda Maraykanka.

Hadalsame Media