”Wixii dhib ah waa in intaa lagu ekeeyaa!” – Qoor Qoor oo waraysi bixiyey (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – MW Maamul-goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sidii lala socdey soo wada saaray War Saxaafadeed ay ku diideen muddo kordhinta isla markaana ku baaqaya in lagu soo laabto Heshiiskii 17-kii Sebt.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.”

MW Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo VOA waraysi siiyey ayaa sheegay in shirkii Teendhadu aanu marna burburin sida uu isago qabo ee uu kaliya istaagey, isagoo ku baaqay in halka qura ee loo dhaqaaqi karaa ay tahay heshiiskii 17-kii Sebt.

Halkan hoose ka dhegeyso waraysiga.

Hadalsame Media