”Waxaan Jiimbaar kula soo cararnay ayeeyadeed oo cad ah!” – Dadwaynaha Muqdisho oo 10 sano kaddib barakac bilaabay

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – Waxaa haatan deganaan nisbi ah laga dareemayaa magaalada Muqdisho oo dorraad ay ka bilowdeen dagaallo goos goos ahaa oo ka dhacay xaafadaha qaar.

Dagaallada ayaa u dhexeeya ciidamo ka gadoodey DF oo sheegay inay ka hor jeedaan muddo kororsiga iyo ciidamo kale oo ay wataan siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood iyo kuwa DF.

Haatan waxaa maalintii 3-aad Muqdisho ka soconaya barakac maadaama ay shacabku dareemayaan inaysan xaaladdu weli deganayn oo ay xiisadi kacsan tahay.

”Afurkeennii ayaan kasoo cararnay, haddana waxaan joognaa Ceelasha Biyaha annagoo Jiimbaar kusoo qaadnay ayeeyadeey oo cad ah.” ayay tiri Xaliimo Sacdiyo oo kasoo barakacday agagaarka Sayidka oo la hadashay Hadalsame Media.

Dadka ayaa sidoo kale ka barakacaya xaafadaha kale ee Muqdisho, iyadoo waloow uu RW Rooble sheegay inuu ku baaqay wada hadal iyo waan waan isla markaana uu la kulmay Bulshada Rayidka, weli ma jiro kulan rasmi ah oo uu la yeeshay qolyaha mucaaradka.

Dadka Muqdisho ayaan barakicin tan iyo 2011-kii oo kooxda Shabaab si rasmi ah looga saaray magaalada.

Hadalsame Media