”Waxaan diyaar u nahay inuu doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo ku dhisan Heshiiskii 17-kii Sebt.” – MW Farmaajo oo gocday sidii fiicnayd ee loosoo dhoweeyey markii la doortay

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2021 – MW Somalia ee ay muddadu ka dhamaatay ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed kala hadlay qalabka Warbaahinta Qaranka, taasoo ah khudbad si aad u wayn ay dadku u sugayeen xilli ay dadku u ooman yihiin koorsada siyaasadeed ee dalka oo jihada bedelata.

Madaxwaynaha ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Muqdisho, waxa iska bedelaya moowqifkiisa, iyo in doorasho qaran la aado.

Farmaajo ayaa soo jeediyey in la joojiyo siyaasadaynta iyo abuurista xasillooni darrada, isagoo gocday sidii wanaagsanayd oo loosoo dhoweeyey markii loo doortay MW dalka 8-dii Febraayo.

”Intii aan noqon lahayn barakiciyeyaal waxaan noqonaynaa badbaadiyeyaal,” ayuu yiri MW Farmaajo oo ka hadlay shaqaaqooyinkii magaalada Muqdisho.

”Waxaan dhamaan saxiixayaashii Heshiiskii 17-kii Sebtembar ugu baaqayaa in la iskugu yimaado kulan aan wax shuruud ah lagu xirin.” ayuu soo jeediyey, isagoo sheegay in maalinka Sabtiga ah ee soo socda uu hor tegi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wuxuu Ciidanka Qalabka Sida ugu baaqay inay dhowraan amaanka shacabka iyaga oo kaashanaya dadwaynaha si aan khalkhal loogu abuurin amaanka.

Hadalsame Media