(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – Maraykanka ayaa sheegay inuu si wayn ”uga walaacsan yahay” rabshadaha Muqdisho ka curtay Axaddii isagoo wacad ku maray inuu cunaqabatayn iyo xayiraado saari doono wax uu ku tilmaamay ”qaswadayaal siyaasadeed”, sida uu sheegay Afhayeenka WAD, Ned Price.
Maraykanka ayaa baaqiisa ku biiriyey diidmada caalamiga ah ee ka imanaysa dalalka jaalka la ah Somalia ee ku baaqaya in ismariwaaga wada xaajood lagu dhameeyo oo aan xoog iyo go’aan dhinac ah lagu dhaqaaqin.
Maraykanka oo sheegay in aan dagaal xal furan marna ahayn ayaa ku gooddiyey inuu ka baaraandegi doono ”agab kasta oo uu adeegsan karo” si tillaabo looga qaado wax uu ku sheegay ”qaswadayaasha siyaasadda.”
“Waxaa tillaabooyinka uu Maraykanku ka fikirayo ka mid ah cunaqabatayn, xayiraado dhanka fiisaha iyo safarka ah, si loogu jawaabo dadka wada dedaallada lagu wiiqayo xasilloonida iyo nabadda Somalia.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay WAD.
Clashes on Sunday between security forces loyal to the president and rival units that have backed his opposition have led to violence in Somalia’s capital. Locals described the fighting as the worst they’ve seen in years, causing many of them to flee their neighbourhoods for safer enclaves.
Maraykanka ayaa sidoo kale muwaadiniintiisa ugu baaqay inaysan u safrin Somalia, maadaama uu jiro walaac amaan.
Waxaa haatan deganaan nisbi ah laga dareemayaa magaalada Muqdisho oo dorraad ay ka bilowdeen dagaallo goos goos ahaa oo ka dhacay xaafadaha qaar.
Dagaallada ayaa u dhexeeya ciidamo ka gadoodey DF oo sheegay inay ka hor jeedaan muddo kororsiga iyo ciidamo kale oo ay wataan siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood iyo kuwa DF.
Hadalsame Media