Idaacadda Mustaqbal oo sheegtay inay soo weerareen Ciidamada DF & waxyeello dhacday + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay in Ciidanka DF ay weerar kusoo qaadeen xaruntooda iyagoo jirdil u gaystey shaqaalaha idaacadda qaarkood, iyadoo sidoo kale la qaatay dhammaan qalabkii warqabadka, kii maamulka iyo Telefeahinkaba, sida ay sheegeen.

”Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo. Waxa aan ka codsaneynaa dowladda in ay dib u soo celiso qalabka isla markaana aanay u dhaqmin hab beegsi ah oo na dareensiinaya in magaca, hubka iyo awoodda dowladdu nalugu dulminayo.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Idaacadda.

Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in jirdil lagula kacay weriye Bashiir Maxamuud Yuusuf BK oo ah Tifaftiraha Idaacadda Mustaqbal, taasoo ay ku tilmaameen ”mas’uuliyad xumo iyo awoodda dowladda oo si xun loo adeegsanayo.”

Waxay ugu dambayn Wasaaradda Warfaafinta ee DF Somalia ugu baaqeen inay arrintan mas’uuliyad ka qaataan oo soo farageliyaan.

Hadalsame Media