DEG DEG: Xoghayaha Guud ee QM oo war kasoo saaray shaqaaqada Muqdisho + Baaq uu jeediyey

0

(New York) 27 Abriil 2021 – Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa lahjad adag uga hadlay  iska hor imaadyada iyo shaqaaqooyinka u dhexeeya ciidamo taabacsan DF iyo kuwo kale oo ay wataan mucaaradka ee ka soconya magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres ayaa tibaaxay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadaha dagaal iyo shaqaaqooyinka haatan ka jira Muqdisho, isagoo dhinacyada ugu baaqay inay is xakameeyaan oo rabshad ka baaqsadaan, isla markaana ay farqiyadooda wada xaajood ku turxaan bixiyaan.

Afhayeenka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Stephane Dujarric, ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuuna markale soo jeediyey in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal iyo tanaasul”.

Waxaa sidoo kale dhinacyada loogu baaqay in dib loo bilaabo wada xaajoodkii doorashada iyo heshiiskii 17-kii Sebtembar iyo sidoo kale midkii hordhaca ahaa ee lagu gaarey Baydhabo.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan la ciir ciiraysa ciidamo iska soo horjeeda, iyadoo la fahamsan yahay in haddii uu dagaal bilowdo ay adkaan doonto sida lagu joojiyo.

Hadalsame Media