DEG DEG: Maamul-goboleedyada Galmudug & Hirshabeelle oo ka horjeestey muddo kororsiga kuna baaqay in la ambaqaado Heshiiskii…

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – War Saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen MaaMaamul-goboleedyada Galmudug & Hirshabeelle oo looga horjeestey muddo kororsiga aan heshiiska lagu ahayn ee lagu dhawaaqay 12-kii bishan.

Waxay sheegeen in ay ka xun yihiin dhibaatooyinkii maalmihii ugu dambeeyey ka socdey Muqdisho iyagoo ku baaqay in doorasho deg deg ah la qabto si cakirnaanta looga boxo.

Waxay Madaxda DF iyo Maamul-goboleedyada ugu baaqeen in dhaqse loo ambaqaado Heshiiskii 17-kii Sebt., iyagoo Madaxtooyada ku boorriyey inay dhegeysato tabashooyinka taagan.

War Saxaafadeedkan oo 11 qodob ka kooban ayaa ugu dambayn Ciidanka Qaranka ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga khalkhal gelinaya.

Arrintan ayaa sii dilaysa rajadii muddo kororsiga oo uu awalba muranku ka taagnaa, waxaana haatan gacanta Madaxtooyada ku haray Maamulka KG Somalia oo qura.

 

Hadalsame Media