Maraykanka oo cadaadis kulul ku haya RW Itoobiya & MW Eritrea (Maxaa lagu haystaa?)

0
(COMBO) This combination of file pictures created on June 20, 2018 shows (L) Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed attending a welcome ceremony for his two-day state visit at State House in Entebbe on June 8, 2018 and (R) Eritrean President Isaias Afwerki (L) reviewing the honor guard during his welcome ceremony in the Sudanese capital, Khartoum, on June 11, 2015. Eitrea's president broke weeks of silence on June 20,2018 to respond positively to conciliatory overtures from bitter foe Ethiopia, raising hopes of a fresh start in the Horn of Africa.A brutal, fruitless border conflict between the two countries ended nearly two decades ago. Since then, both have maintained a war footing with shots occasionally fired, and backed each other's rebels. / AFP PHOTO / Sumy SADRUNI AND ASHRAF SHAZLY

(Washington, DC) 26 Abriil 2021 – Cadaadiska Dowladda Maraykanku ku hayso Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy AXmed iyo Madaxwaynaha Eritrea ayaa sii kordhaya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Antony J Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanku uu la hadlay RW Abiy Axmed uuna u sheegay in Dowladda Maraykanku ka wal walsan tahay xaaladda bini’aadaminimo iyo tan xuququl insaanka ee sii xumaanaysa kana jirta gobolka Tigreega.

Waxaa kale oo uu xoghayuhu kala hadlay Abiy xaaladda amaanka guud ahaan dalka Itoobiya ee faraha ka sii baxaysa, isaga oo ku aamaanay labada dawladood ee Eritrea iyo Itoobiya balanqaadkooda ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadooda ugu saarayaan Gobolka Tigray.

Xogahayha arrimaha dibadda ayaa soo dhaweeyay guddiga wadajirka ee xuquuqda aadanaha ee Itoobiya iyo kan hay’adda Q. Midoobay ee xuquuqul insaanka baaritaanka ay ku samaynayaan kuwii mas’uulka ka ahaa dhibaatadii ka dhacday gobolka Tigreega, si cadaalada loo horkeeno.

Antony J Blinken ayaa intaas ku daray in maalmaha soo socda uu gobolka geeska Afrika Soo gaari doono ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanku u xilsaartay halkaas Amb. Jeffery, kaas oo dhwaan mar uu hadlay eedayn u jeediyay sadex ka mid ah hogaamiyayaasha wadamada geeska Afrika, isaga oo sheegay in ay si xun u wiiqeen horumarkii gobolka geeska Afrika.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media