Isla DF Somalia oo sabab u noqotay in Midowga Afrika uu diido muddo kororsiga (Sabab?)

0

(Addis Ababa) 23 Maarso 2021 – Afrikaanku 30 sano in madaxweyne la ahaado caadi ayey u haystaan ee maxay labadii sano ee Farmaajo u diiden? Jawaabtu waa haddii Soomaalidu isla oggolaan lahaayeen labada sano iyo weliba toban sano, Afrika iyo adduunkuba kama hadleen.

Iyadoon magacyo la isu bixin, oo waddanka iyo shacabka aan la kala xigsan, ha la wada hadlo. Waxay rabtaa garasho, galgal, aftahamo iyo indheergaradnimo.

Haddaad qof qancin weydo, way fududahay inaad qofkaas eedaysid oo adigu isla fiicnaatid, laakiin inaad kartidaada wadahadal tuhuntid ayaa adigana kuu roon oo aad wax ka baran kartaa, qofkaasna markaad isu soo noqotaan sidaas ayuu kugu tixgelinayaa.

Xal walba oo qof qalaad noo keeno, wuxuu la mid yahay dhar aan ku le’ekayn oo weliba xajiin leh. Odayaal baadiyaha nooga maqan ayaa cilmigaan noo dhigi lahaa.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media