(Kinshasa) 12 Maarso 2021 – MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo haatan ku jira go’doon siyaasadeed oo maxalli ah iyo mid caalami ah ayaa maalin dhowayd u duulay dalka DR Congo, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dalkaasi.
Waloow ay jireen warar sheegaya in ujeedka socdaalkaasi daarranaa in la wada hadashiiyo MW Somalia iyo dhiggiisa Kenya, misna Madaxtooyada Somalia ayaa ku saan tiratay in ay MW DR Congo oo iminka haya xilka wareega ee Midowga Yurub, oo aan ahayn xil saamayn wayn leh, uu dhexdhexaadinayo dhinacyada Somalia, taasoo aan micne samaynayn marka kun xaglood laga eego.
Yeelkeede, waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in MW DRC, Felix Tshisekedi, uu runtii ka shaqaynayo wada xaajood dhexsada MW Somalia iyo midka Kenya oo isla shalay isna ka degey caasimadda Kinshasa.
Xiriirka labada dal ayaa dhulka galay kaddib markii ay DF Somalia ay xilli dambe oo habeennimo ay si halhaleel ah xiriirkii ugu jartay Kenya, taasoo ay dalal badani ku tilmaameen mid Somalia istaajiyey moowqif aan qurxoonayn degdeg badanina ka muuqato.
Ha yeeshee, waxaa marka laga soo tago faragelinta lagu eedeeyey Kenya sidoo kale meesha taalla inay sheeganayso dhul-badeedka Somalia, taasoo sidoo kale ka mid ah waxyaabaha qaraareeynaya xiriirka labada dal, balse lama oga in waxa laga heshiinayo ay sidoo kale taasi ku jirto iyo in kale.
Wararka qaar ayaa tibaaxaya in Qadar oo dano ku leh dalka Kenya isla markaana ka mid ah saamileeyda sharikadda shidaalka Talyaaniga ee ENI (Ex Agip) oo ka mid ah kuwa ay Kenya shatiga ku siisay saliid baarista aagga ay doodda gelinayso Kenya, ay DF ku cadaadinayso in xeer jajab lagu dhameeyo arrinta, iyadoo lasoo qaadanayo kulan beri dhowayd dhexmaray Amiirka Qadar iyo MW Felix Tshisekedi, balse weli xog hubban lama helin.
Kiiska ayaa haatan waxaa uu hor yaallaa Maxkamadda ICJ oo haddii ay go’aan ka gaarto aan rafcaan xitaa laga qaadan karin.
Hadalsame Media