Somalia oo u qoor dhiibanaysa nin xiriir aad u dhow oo gaar ah la leh MW Kenya (Maxaadan ogayn?)

0

(Kinshasa) 21 Maarso 2021 – Waxaa durba Kinshasa gaarey MW Kenya, waxaana socda warar hoose oo sheegaya in MW DR Congo uu dhexdhexaadinayo isaga iyo dhiggiisa Somalia oo aysan haatan isku fiicnayn, iyadoo marka xiriirka diblomaasiyadeed laga soo tago sidoo kale laga hadli karo arrimaha doodda asalka u ah ee dhul-badeedka ay Kenya sheeganayso.

WAA KHALAD WAYN INAY SOMALIA U QOOR DHIIBATO CONGO. SABAB?

MW Kenya ee Uhuru Kenyatta iyo ninka mucaaradka ah ee Raila Odinga, oo ah nin marar badan muujiya inuuba ka xag-jirsan yahay Kenyatta dhanka xumaynta Somalia, waxay door wayn ku lahaayeen inuu MW DR Congo ee Mr Felix Tshisekedi, uu kusoo boxo doorashadii dalkaa ka dhacday Diseembar 2018-kii.

Barasaabka Kisumu, Anyang’ Nyong’o ayaa horay arrintan uga hadlay, isagoo ku dhaartay in labadan nin ay geed kasta u fuuleen sidii ay Tshisekedi iyo Xisbigiisa Union of Democracy and Social Progress (UDPS) ay doorashada ugu guulaysan lahaayeen, isagoo ka hadlayey duugta Gilbert Mundela, oo tan iyo dhimashadiisii ahaa la taliyaha gaarka ah ee MW Congo.

Mr Tshisekedi ayaa xilka MW loo dhaariyay 24-kii Jannaayo, iyadoo ay la yaab lahayd in MW Kenyatta uu ahaa hoggaamiyaha qura ee Afrikaan ah ee caleemo saarkiisa kasoo qayb galay. Waxaa sidoo kale halkaa tegey MW Odinga iyo Wasiirrada Fred Matiang’i (Gudaha) iyo Monica Juma (oo xilliga Dibedda ahayd).

Xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya labada nin ayaa laga garan karaa sidii heerka sarreeysey ee shalay Kinshasa loogu soo dhoweeyey MW Kenyatta oo aad uga geddisanayd sida loo qaabiley MW Somalia.

MW Kenya Uhuru Kenyatta (bidix) oo Madaxtooyadiisa kusoo dhowaynaya MW Congo Felix Tshisekedi, Nairobi Febraayo 6, 2019.

Hadalsame Media