(Kinshasa) 20 Maarso 2021 – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa goor dhowayd ka degey magaalada Kishaansa ee caasimadda DR Congo, isagoo halkaa loogu sameeyey soo dhowayn heer sare ah.
MW Kenya oo uu Garoonka Dayuuradaha uga hor tegey dhiggiisa DR Congo, Felix Tshisekedi, ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Maamuuska, iyadoo loo tumay astaanta calanka dalkiisa, taasoo aad uga duwan sidii 2 maalmood kahor halkaa loogu soo dhoweeyey MW Somalia, Md Farmaajo oo isaga si heer hoose ah Garoonka loogu soo dhoweeyey.
Weli si rasmi ah looma shaacinin ujeedka booqashada Kenyata, balse warar hore ayaa sheegayey in ay dalal 3-aad Congo u adeegsanayaan qorshe lagu dhex dhexaadinayo Somalia iyo Kenya oo sheeganaysa biyaha Somalia.
MW Somalia oo xalay halkaa kasoo laabtay ayaa warar badan oo is khilaafaya ku sheegay inuu doonayo inay Congo dhexdhexaadiso muranka ka dhex taagan DF iyo mucaaradka ee ku aaddan qabashada doorashada oo waqtigeedii ka dib dhacday.
Hadalsame Media