Madaxwaynihii Chad oo dhaawac halis ah u dhintay & cidda bedeshey (Tillaabo uu qaaday oo uu sababsaday)

0

(N’Djamena) 20 Maarso 2021 – Sida uu sheegay TV-ga qaranka Chad, waxaa dhowaantan dhaawac soo gaarey u dhintay MW dalkaasi, Idriss Déby oo hoggaaminayey dagaal ka dhacay woqooyiga dalkaas.

Sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Lugta, Jen. Azem Bemrandoua Agouna, waxaa ciidanka dalkaasi soo kubaareeynaya jabhad usoo siqaysa dhanna caasimada N’Djamena.

Déby, ayaa sidaa darteed la filayey inuu khudbad guuleed u jeediyo shacabka, balse wuxuu doortay inuu aado furunta dagaalka, sida uu sheegay Agaasimaha Ololihiisa, Mahamat Zen Bada.

Deeto waxaa Ciidankii uu la joogey weerar ku ekeeyey jabhadds Front pour l’Alternance et la Concorde au Tchad (FACT) (Front for Change and Concord in Chad) kuwaasoo 11-kii bishan kasoo ruqaansaday saldhiggooda oo ku yaalla Libya, iyagoo doonayey in ay ka takhalusaan  Déby oo 31 sano dalka xukunkiisa ku dhegganaa.

Hoggaanka jabhaddaasi oo u warramay Radio-France Internationale, Mahamat Mahadi Ali, ayaa sheegay in Déby uu ka qayb galay dagaal dhacay Axaddii iyo Isniintii (18 iyo 19 Abriil), iyadoo lagu hardamayey bartamaha-galbeed oo u dhow Nokou oo ka tirsan Kanem.

Déby ayaa sida la sheegay Axaddii dagaalka ku dhaawacmay Axaddii, waxaana dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah loogu soo qaaday caasimadda oo 400 km u jirta furunta.

YAA XILKA QABANAYA? Waxaa haatan jagada si KMG loogu wareejiyey Gole Ciidan oo uu hoggaaminayo Jen. Mahamat Kaka, oo loo yaqaan Mahamat Idriss Déby Itno, kaasoo ah wiilka MW Idriss-ka dhintay.

Wuxuu si KMG dalka u horkacayaa muddo 18 bilood.

Hadalsame Media