XOG: Shirka Kinshasa oo salka la galay muranka ay Kenya ku doonayso badda Somalia (Dalka arrintan isku aaddiyey)

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2021 – Inkastoo Villa Somalia ay sheegtay in safarka farmaajo sare loogu qaadayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashi guud oo gobolka ah, hadana taas mid ka duwan ayay xaqiiqdu u egtahay.

Maadaama Farmaajo xaaladiisa inuu ku soo laabto mar kale Xukunka ay umuuqato inay adag tahay, ayay dawlada qatar bilawday inay intuusan tagin ka saxiixato heshiisyo danaheeda ah, maadaama ay xukunka ku haysay mudadii Afarta sano ahayd ee uu xilka hayay.

Warar xog-ogaal ah ayaa laga soo xigtay in safarkan ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiiyo Kenya iyo Soomaaliya.

Qatar ayaa aad u dooneysa heshiiskan, sababtoo ah dhul badeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganayso ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkada ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami wayn ku leedahay.

Madaxweynaha CONGO Félix Tshisekedi ayaa laba toddobaad kahor 29-kii March, waxa uu Doha kula soo kulmay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayada oo la rumeysan yahay in kulankaas loogala hadlay inuu qaato doorka dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu yahay guddoomiyaha Midowga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha kenya UHURU KENYATA ayaa lafilayaa maalmaha soo socda inuu isaguna gaaro halkaas si wada hadaladu ufurmaan.

Lama oga sida Qatar iyo Farmaajo ukeeni karaan heshiis cusub, maadaama arinka Badda uu yaalo maxkamad caalami ah, shacabka Soomaaliyeedna ay sugayaan natiijada maxkamada.

in kastoo Qatar ay aaminsan tahay inay Soomaaliya gacanteeda ku jirto inta uu talada wali joogo Farmaajo, wiilkooda Fahadna uu adeege wanaagsan u yahay iyaga, wax walba waxay aaminsan yihiin inay ubadalinkaraan sida ay doonayaan.

Hadaba la arki doonee Hanka Qatar iyo jacaylka sii joogista kursiga ee farmaajo halka ay geeyaan masiirka Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Nadaara

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida iyo xogta qofka ku saxiixan

Hadalsame Media