XOG: Cidda ka dambaysa kulanka ka socda teendhada & farriin loo dhiibayo MW Farmaajo

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – Waxaa haatan shir ay albaabadu u xiran yihiin Afisyooni ku leh MW Farmaajo oo beri dhowayd sheegay in 2 sanadood loo kordhiyey iyo wakiillada dalalka Beesha Caalamka.

Ilo ku dhow dhow shirka Afisyooni oo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in kulankan dhexmaraya MW Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamku uu yahay mid ay iyagu dalbadeen, walow ay jiraan xogo kale oo sheegaya inuu dalabku ka yimid dhanka Madaxtooyada.

Sababta ay kulankan u dalbadeen ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay farriin muhim ah oo ku saabsan soo jeedintooda iyo moowqifkooda ku aaddan muddo kordhinta ay u gudbinayaan MW Farmaajo.

Go’aamada ay qaadanayso Beesha Caalamka ayaan kala caddayn, waxaana ku jiri kara min goosasho dhaqaale, taageero siyaasadeed ilaa xayiraado la saarayo askhaas gaar ah, taasoo si xun u saamayn doonta Somalia guud ahaan, dibna u celin karta dowlad dhisiddii dalka.

Hadalsame Media