(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – Laba maalmood kahor, Wasiiru Dowlaha Dibedda ee DF Somalia, Balaal Cusmaan, ayaa wuxuu Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Ruushka ee Somalia iyo Jabuuti, Michail Golovanov.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal, waloow iminka ku dhowaad aanu jirinba xiriir micne leh oo la xoojiyo.
Haatan, maanta Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa kulan la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Qin Jian, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriira labada dal ee dhinacyada Waxbarashada iyo Dhaqaalaha. Shiinaha ayaa tallaal 200,000 oo kuuro ah beri dhowayd keenay.
XF Somalia ayaa beryahan waddey kullamo ay la yeelanayso mas’uuliyiinta Ruushka iyo Shiinaha, jeer ay Galbeedku diiddan yihiin sida ay wax ku waddo Madaxtooyadu, lama se oran karo waa aag bedelasho diblomaasiyadeed (diplomatic shift), waayo taasi waxay keenaysa halis ka badan faa’iidada ku jirta.
Hadalsame Media