(Muqdisho) 16 Maarso 2021 – MW Maxamed Farmaajo ayaa saxiixay sharci gaar ah oo kasoo baxay Aqalka Hoose kaasoo lagu sheegay in 2 sanadood loo kordhiyey DF Somalia.
Tillaabadan oo aan wax sharci ah iyo heshiis siyaasadeed toona ku fadhiyin ayaa sii cakirtay xaaladdii siyaasadeed ee dalka oo haatan maraysa meel hubaal la’aan ah, iyadoo dad badan oo jecel samaha dalku ay ka niyad jabeen tillaabada noocan ah oo caqabad ku noqonaysa dib u heshiisiinta, dib u yagleelidda dowladnimada dalka, iyo asaaska hannaan dimoqraadi ah
Sidoo kale arrintan ayaa Somalia ka hor keenaysa beesha caalamka oo door muhim ah oo siyaasadeed, amaan, istaraatijiyad iyo dhaqaaleba ku leh dib u kabashada dalka Somalia, kuwaasoo si cad uga hor yimid go’aankan oo ay Somalia ku taageersan yihiin dalal yar oo aan wax badan ku kordhin karin.
Waxaa intaa dheer, in tillaabadani sii xoojinayso kooxda Al Shabaab, haddaba arrintani ma keeni kartaa inay Somalia gasho qalalaase hor leh?
Waxaa dooddan oo uu daadihinayo Sami Zeidan oo Al Jazeera ka tirsan ka qayb qaadanaya:
Zakaria Haji Abdi – Xildhibaan
Hodan Ali – Khabiirad dhanka gargaarka iyo horumarinta ah
Afyare Elmi – Kaaliye Prof oo Daraasaadka Amaanka ka dhiga Qatar University
Hadalsame Media