DF Somalia oo dad caddaan ah maxkamadaynaysa (Barwo rasmi ah oo soo baxday)

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeeraysa ilaa 6 eedaysane oo uu shisheeye ku jiro, kuwaasoo loo jaray barwo ay ku dacwaysan yihiin.

Raggan ayaa lagu eedeeyey inay ku keceen fal-dembiyeedyo ay ka mid yihiin faafinta siraha qaranka, inay ku keceen samaynta basaasid madani ah iyo mid ciidan.

Waxaa lagu eedeeyey inay jebiyeen Qodobbada 199 ilaa 205 oo ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Waxaa dadkaa ka mid ah Matt Bryden oo ah nin aad uga galaa baxa Somalia waana markii ugu horreeysey ee mudadii burburka ay DF barwo u jarto dad ajnabi ah.

Hadalsame Media