Xildhibaannada sheegaya inay diiddan yihiin muddo kororsiga oo wada xeelad ah ”ludda jecli lafta jecli” (Maxaa caddaynaya ciyaartooda?)

0

(Muqdisho) 14 Maarso 2021 – Weriye Cabdulqaadir Faarax Dulyar ayaa xildhibaannada ku doodaya inay muddo kororsiga diiddan yihiin ku eedeeyey inay ruwaayad jilayaan haddii kale ay tillaabooyin cad qaadi lahaayeen sida inay is casilaan.

Dulyar ayaa boggiisa Facebook sidan kusoo qoray:

Xildhibaanada diidan mudo isu kordhinta Hey’adaha dowlada, hadeey run sheegayaan inta is aruursadaan hadeey run sheegayaan iyagoo 30 meeyo ah ama ka badan halmar ha iska casilaan xubin nimadooda, Baarlamaanka, Umaddana ha u cadeeyaan in mudo xileedkoodu dhamaaday oo aysan dooneyn una cuntameyn iney qaataan mushaar shaki ku jiro oo laga soo qaaday Aabe gaari gacanle ah iyo Hooyo qoraxda khudrad ku iibineysa.

Balse inta aad bishu markeey dhamaatana bank-ga iska xaadirineysaan oo u Mushaar doonaneysaan, Baraha Bulshadana la soo fadhiisaneysaan mucaaradad yacyacood ah, dunbaa weli meel ka xiran, Maryooleeyna waxey tiraahdaa “LAFTAADAN TUURI DOONIN FEENTA LAGAMA DHAMEEYO,” ee fadlan intaad riwaayadda naga daaysaan bilaa Cakeyk waan daalnaye, boorashkiina iska walaaqda.

Cali Yare Cali oo ka mid ah dadka dacaayadda ugu qaysan nidaamka haatan jira ayaa bartiisa Facebook isna kusoo qoray sidatan:

”Waxaa xusid mudan in qaraarkii Baarlamaanku gaaray uu ka mid yahay go’aannada faro-tiriska ah oo ay si isku mid ah u wada rabaan Xildhibaannada golaha Shacabka Muxaafad iyo Mucaarad intaba, waana sababta keentay in dhammaan Xildhibaannadii mucaaradku ay ka fogaadaan ka hadalka go’aankii shalay si ay uga xeeladeystaan taageerayaashooda.”

Mar kale ayuu sheegay inuu la hadlay qaar ka mid ah xildhibaannada haatan jilaya inay muddo kororsiga diiddan yihiin oo uu midkood ku yiri, waa sida uu isagu yiriye.

”Nin ka mid ah oo ugu hor hadlay ayaa iigu jawaabay “Ma 24 Bilood (2 Sano oo aan sii joogno) ayaan aheyn waxaa afka laga xirto Alle-na looga mahadnaqo.” Hoos baan ka iri ” Isku dhunsanaa iyaga iyo inta taageerta.”

In arrintan wax ka jiraan waxaad u dhaliisan kartaa arrin kale oo ah in markii ay is hayeen Farmaajo iyo RW hore ee Xasan C. Khayrre oo ahayd xilligii ugu sahlanayd in la isla tuuro labadooda, ay xildhibaannada mucaaradka iska dhigayaa Farmaajo la safteen, taasoo ah midda raajisey cimrigiisa siyaasadeed oo awood hor leh siisey, isla markaana ka caawisay inuu booskiisa xajisto.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media