(Muqdisho) 14 Maarso 2021 – Siyaasiga Axmed Macallin Fiqi oo haatan ah Wasiirka Amaanka Maamul-goboleedka Galmudug ayaa dadka u firey arrin uu ku iftiiminayo in ujeedka muddo kororsigu aanu ahayn qabashada doorasho ”qof iyo cod ah”, maxaa yeelay kuwa tillaabadan qaaday ayaaba og inaysan sidaa yeeli karin.
Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay:
Dood kooban oo na dhex martay Xildhibaan ka mid ah kuwa taageersan muddo isu kordhinta.
Waxaan anigoo la yaaban ku iri haddaba maxaad dadka u habaabinaysaa haddii aadan aaminsanayn waxaad u codaysay? Wuxuu yiri sababta aan u codeeyayba waxay ahayd inaan xaqiiqsaday inaanan kursi ka soo heleyn gobolkaygii iyo dadkaygii!.
Sheekadu waxay ku soo uruurtay dad aan isku kalsoonayn, oo haddana cabsi ka qaba in aysan soo noqonayn oo isla qaaday hees cusub oo la yiraahdo“ mar kale barlamaanow mar kale, joogisteenaa noo muhiimee mar kale iyo aabow adna mar kale”.
Dalku wuxuu galay mugdi weyn oo siyaasadeed, waxaana haboon inta aan hoos loo sii maquuran waxaa dhow meeshii laga soo galaye in dib loogu celiyo todobaad ka hor halka uu xaalku joogay iyo teendhadii caddayd ee Afisyooni.
Waxaa Qoray: Axmed Macalln Fiqi
Hadalsame Media