(Muqdisho) 14 Maarso 2021 – Xogo muhiim ah oo ku dhow beesha caalamka ayaa tibaaxaya in dalalka Somalia jaalka la ihi ay ka baaraan degayaan tillaabooyin ay ka mid yihiin in go’doomin siyaasadeed iyo cunaqabatayn la saaro madaxda DF Somalia qaarkeed iyo xitaa dalka Somalia.
Madaxda halista ugu badan wajahaysa ayaa waxaa ugu horreeya MW iyo Guddoonka muddada kororsaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal Sheekh iyo labada nin ee isaga kusii xiga ee Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyo Mahad Cabdalla Cawad.
Xubnahan oo la tuhunsan yahay inay yihiin ragga hindisey muddo kororsiga ee misna fuliyey ayaa wajihi kara ciqaabo isku jira safarrada dibedaha oo laga xayiro ilaa cunaqabatayno dhaqaale iyo go’doomin siyaasadeed oo caalami ah, iyadoo dadka la ciqaabi karo ay xitaa ku jiraan qoysaskoodu.
Arrimahan ayaa laga dhex arki kataa qoraalladii ilaa haatan kasoo baxay Midowga Yurub, Maraykanka iyo dalka UK, kuwaasoo gebigood ku gooddiyey in haddii laga noqon waayo muddo kororsiga sharci darrada ah ee aan misna la isku waafaqsanayn ay tillaabooyin qaadi doonaan, isla markaana ay ka fiirsanayaan xiriirka ay Somalia la leeyihiin dal ahaan iyo kaalmada ay siiyaan.
Golaha Amaanka ayaa lagu wadaa inuu isna ka fariisto oo uu deeto go’aan kasoo saaro arrimaha Somalia oo u muuqata dal nasiib daran oo uu marna nin siyaasi ah oo han yari uu qar ka xoorayo, iyadoo halista ugu wayni ay noqon karto dhibka dalka soo gaari kara marka cuquubaadka shakhsiga ah laga soo tago, sida haddii ay dalka ka baxaan dalalka caawiya Somalia oo ay raaci doonaan Ciidanka Nabad Ilaalintu, iyadoo aanu jirin bidaal ka fiican oo haatan miiska saaran ama diyaar ah.
The decision to extend the Federal Government’s term undermines further the country’s peace and security. We call on Somalia’s Federal Government and Federal Member States to return to talks and agree to a way forward.
— Secretary Antony Blinken (@SecBlinken) April 13, 2021
Hadalsame Media