”Ma aha in doorashada muran la geliyo!” – Siyaasi ka mid ah kuwa ku dhow Madaxtooyada oo saluugey sida ay wax ku socdaan

0

(Muqdisho) 13 Maarso 2021 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia, haatana DF ugu magacaaban jago lagu sheegay Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa warbixin uu talo guud ku bixinayo ku qoray boggiisa Facebook.

Yuusuf oo cabbiray laba arrimood oo ay midi tahay dhaqamada cusub ee isi shaydaamaynta, magacyo isu bixinta iwm iyo midda kale oo uu kaga hadlay is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada isagoo sheegay inaysan habboonayn in doodba la geliyo.

Yuusuf Garaad oo qoraalkiisa ku faahfaahiyey muhiimadda ay leedahay in lakala barto waxyaabaha lagu kala aragti duwawaan karo iyo kuwa ay tahay in la wada dhowro oo gows dambeedka lagu qabsado ayaa warkiisa u qoray sidan:

”Siyaasaddu waxay isugu jirtaa wax la kala leeyahay oo la kala jiito iyo in la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro.

Ha lagu kala aragti duwanaado hannaanka ay noqoneyso. Ha la kala jiito goobaha ay ka dhaceyso, marna ha la isu soo jiido. Laakiin goorta ay noqoneyso doorasho ma ahan in muran iyo talo la geliyo.

Xildhibaan kastaa marka uu u tartamayay, wuu ogaa muddada xaddidan ee kursiga. Waxaa kale oo uu ogaa Goorta ay khasab ku noqoneyso in uu tartan hor leh u galo isla kursiga. Ama uu isaga tago haddii uu u bogi waayo ama ay la noqoto in aanuu doorashada libin ka keeni kari doonin.

Haddana waxaan qabaa in ay habboon tahay in la isku dayo in la fahmo aragtida kaa duwan xataa haddii ay kula gurracan tahay. Waxaan qabaa in aan keliya la isu muuqan oo aan magacyo la isu bixin ee la kaashado deggenaan iyo dulqaad inta suurta gal ah ee aan dalka Madaxbannaanidiisa, xasilloonidiisa iyo hannaankiisa siyaasadeed wax u dhimeyn.

Sidaa ay tahay, waxaan qabaa in kuwa aad kala aragtida tihiin, midka kuula aragti qallafsan aad xusuusnaato in sidaada oo kale uu Soomaali yahay, kulana xuquuq siman yahay.

Waxaa ila qumman in inta aadan tiraabin iyo inta aanad mowqif qaadan aad xusuusnaato mua’uuliyadda wadareed iyo midda shakhsi walbow adiga kuu gaarka ah ee aan raadkeedu kaa hari doonin.

Ramadan macnihiisu ma ahan oo keliya in quudka uun laga soomo.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.”

Hadalsame Media