Turkiga oo ku guulaystey tijaabada gantaalkii xambaari lahaa dayax-gacmeed ay Dayaxa u dirayaan + Sawirro

0

(Ankara) 12 Maarso 2021 – Dalka Turkey ayaa ku guulaystey tijaabada gantaalkii ugu horreeyey ee ah kuwa dayax-gacmeedka xambaara oo ah nooca adeegsada tamarta barxan, kaasoo lagu wado in la gano 2023 oo dayaxa loo diro, sida ay sheegtay Wasaaradda Tiknolojiyadda iyo Wershadaha.

Gantaalka tijaabada ah ayaa laga ganay Delta V, oo wadda daraasad ay maalgeliso dowladdu, taasoo door horseed ah ku leh barnaamijka hawada sare ee dalkaasi.

Gantaalkan oo dayax-gacmeedyada gayn kara hawada sare ayaa loo ridey si joog ah, taasoo qayb ka ah qorshe 10-sanadood ah oo uu dejiyey MW Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo laga bilaabayo in mishin tijaabo ah oo la diro bisha 2023 oo ku beegan sanad-guuradii 100-aad ee asaaska Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkey, sida uu sheegay Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda, Mustafa Varank.

Marxaladda 2-aad waa 2028, markaasoo sida uu qorshuhu dhigayo la tuuri doono gantaalo sida dayax-gacmeedyo, waxaana bisha Maajo ee soo aaddan Gobolka woqooyi ee Sinop laga gani doonaa gantaal kale oo uu ku xiran yahay matoor ay Turkigu sameeyeen, iyadoo haddii kaa lagu guulaysto la bilaabayo tijaabooyin joog sare ah, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Delta V, Arif Karabeyoğlu.

Hadalsame Media