”Meelna Dastuurka ugama qorna inuu Baarlamanku xilka kororsan karo & inuu Madaxwayne u kordhin karo toona” – Prof. Jawaari oo qoraal dheer soo saaray

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Guddoonkii hore ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka, Md Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa soo saaray qoraal aad u dheer oo uu ku lafa gurayo sharci ahaanshiyaha wixii maanta ka dhacay Baarlamanka.

Prof Jawaari ayaa qormadiisa ku jeex jeexay awoodaha uu gaarka u leeyahay Baarlamanka Dhexe ee dalka, kuwaasoo uu tilmaamay in aysan marna ku jirin awood muddo kordhineed oo waafaqsan wixii maanta dhacay.

”Axkaamta Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey 1-dii Agoosta 2012-kii, xitaa hal qodobna ha ahaatee meel uu sharciigu awood ku siiyey in Barlamaanka uu si iskiisa ah wax u kororsado oo ku dhamaanaysa muddo afar sanno ah kuma jirto,” ayuu yiri Prof Jawaari.

Wuxuu sheegay in si taa la mid ah aanay Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee la meel mariyey 2012-kii aanay meelna uga jirin meel uu Baaralamanku uu muddada xil-haynta ugu kordhin karo MW DF Somalia.

”Ogaalleyda caalamka ee ku takhasustay mabaa’diida dastuuriga iyo qeydooyinka dejnta dastuurrada, siiba kuwa sida gaarka ah u qeydo daaray nidaamka baarlamaannada iyo mabaa’diida matalaadda shacabku, waxay wadar ahaan isku raacsan yihiin in aan haba yaaraatee la dhiirri gelin in ay si iskooda ah muddada xil-haynta u korarsadaan, taas oo ku cad dastuurka,” ayuu raaciyey Jawaari.

”Hay’adaha dastuuriga ah ee DF Somalia waxaa ku habboon in ay aad u ilaaliyaan ku dhaqanka axkaamta Dastuurka, kana fogaadaan wax kasta oo loo malayn karo baalmaridda Dastuurka Federaalka dalka.

Halkan hoose ka akhri…

Hadalsame Media