(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa shir jaraa’ud oo uu qabtay ku sheegay inuu hakiyey kal-fadhi uu maanta yeelan lahaa Baarlamanku.
“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa maanta hakinay kulankii ay lahaayeen, waxaana u hakinay oo loo baahan yahay wax boob ah oo la boobayo in aysan dhicin, is-faham siyaasadeedna la gaaro,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska ee Gobolka Banaadir.
“15 bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu soo kala goosto.” ayuu raaciyey Saadaq Joon.
Warka Saadaq Joon ayaa marka xirfad ahaan waajibka Booliiska la eego sax ah, iyadoo khaladka kaliya ee ku jiraa uu yahay inay ku fiicnayd in uu amarku ka yimaado Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, kaasoo haatan xilka ka qaaday Saadaq Joon.
Arrintan ayaa ka yaabisay dadwaynaha Soomaaliyeed iyadoo ay dad badan filan waa ku noqotay, ilo wargal ah oo Hadalsame Media u warramay ayaa dhanka kale meesha ka saraay in Saadaq ogaa in xilka horay looga qaaday oo ay tillaabadiisu qiiq isku qaris ahayd.
”Nimankani qofka ay xil ka qaadayaan umaba sii sheegaan, tan kale wixii awood ahna waa kasii wareejiyaan,” ayuu ku dooday nin arrintan aad ugu dhow balse aynaan magaciisa shaacinayn.
”Waxaan ilaa hadda raadinaynaa cidda tillaabadan ka dambaysa. Waase hubaal inay cid kale ka dambayso.” ayuu raaciyey.
Si kastaba, Ciidanka Booliiska ee uu Saadaq howlgeliyey ayay weli jidadku u xiran yihiin, waxaana aad u adag inuu maanta Muqdisho ka dhaco kulan uu Baarlamanku yeesho, iyadoo aan la ogayn tillaabada xigi doonta.
Hadalsame Media