(Nairobi) 12 Maarso 2021 – Saxaafadda Kenya ayaa soo qaadatay muddo kororsiga maanta lagaga dhawaaqay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Dhexe, kaasoo iminka si wayn uu dalku ugu kala qaybsan yahay, beesha caalamkuna ay horayba uga sii digtey.
Haddaba aannu idiin soo qaadno qaar ka mid ah fal-celinta ay shacabka Kenya warkan ka bixiyeen, iyagoo gaar ahaan walaac ka qaba inay Dowladda Kenya iyaduna ku darsato:
Chris Wafula ”Madaxda Afrika waxay jebinayaan isla sharcigii ay iyagu sameeyeen, hadhoowna wuxuu dhibku ku dhacayaa dalalka faqriga ah ee Afrika.”
Steward Jairus Lee ”Halkan Kenya waxaan Madaxwaynaha ugu daraynaa 5 sano, waayo wuxuu wadaa mashaariic wax ku ool ah.”
Mwiti Kjuri ”Wuxuu ugu hanjabey qarax. Qiyaas wixii todobaadkii hore Muqdisho ka dhacay.”
Festus Ngetich ”Marka Xildhibaannada Kenya waxay ka shidaal qaadanayaan arrintan.”
Shujaa Humphrey ”Madaxda Bariga Afrika waa is wacaan, haddii ay Somalia samaysay Kenya-na waa samayn doontaa u fiirso.”
Joseph Muigai ”Tan oo kale waxaan ka sugaynaa Kenya, balse illin iyo dhiig ayay ku dhamaan doontaa.”
Nel Liso ”Warkan oo kale in naloo soo tebiyo ma ahayn, waayo waan ognahay saamaynta ay nagu yeelanayso.”
Lukas Ekasibo Orengo ”Kenya sidaan oo kale ayaa laga samayn doonaa.”
Philip Odhiamo ”Madaxda Afrikaanku woxoodu waa dheel, maxaa doorashada ku dhibay!”
Ferdinand Maigi ”Soomaalida unbaa go’aamin karta inuu u fiican yahay ama u xun yahay.”
Joel Ondieki ”Wuxuu u muuqdaa hoggaamiye ay diiraddu meel u saaran tahay. Dadkiisa dib hannooga celiyo, waloow uu taa ka caga jiidayo.”
Sam Onsomu ”Xil jacaylku waa u caado Afrika.”
Douglas Mwangi ”Tan oo kale ugama baahnin Kenya, waa in codaynta loo dareeraa..”
Hadalsame Media