(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci si gaar ah u jiheynaya Doorashooyinka Heer Federaal kaasoo ku dhisan qaab qof iyo cod ah, waxaa sidoo kale lasoo celiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka.
Qodobka 5-aad ee sharcigan gaarka ah ayaa waxaa ku cad in mudada la doonayo in doorashada lagu qabto ay noqonayso muddo 2 sanadood ah, taasoo weliba ka bilaabmaysa kaliya marka uu saxiixo MW Farmaajo.
Marka aad qodobkan eegto waxaa Qodobkan 5-aad ee sharciga cusub ee doorashada ee kasoo baxay Aqalka Hoose ku dhex jirta labada xeeladood oo ili ma aragti ah:
1 – Muddo kororsigu wuxuu bilaabmayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, taasoo ka dhigan in haddii uu saxiixu daaho uu ku darsigu ka badan doono 2 sanadood.
2 – Muddada wax la kordhiyey waa 2 sanadood, balse waxaa ku suntan shuruud ah in mudadaa lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, balse maadaama tillaabadan aan iminkaba heshiis lagu ahayn isla markaana aanay farsamo ahaan iyo amaan ahaanba aysan sahlanayn in Somalia laga qabto doorasho qof iyo cod ah, waxay taasi ka dhigan tahay in durba mudda kororsiga haatan lagu muransan yahay mid kale lagu sii dhex qariyey.
Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media