(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Wararka haatan Muqdisho naga soo gaaraya ayaa tibaaxaya in qaacada Baalamanka ay haatan soo gaarayaan mudanayaal badan oo ak tirsan Baarlamanka uu waqtigu ka dhacay, iyadoo ay u muuqato in kal-fadhigu qabsoomayo.
Xildhibaannada oo uu kooramkoodu buuxsamayo ayaa la sheegayaa inay ka doodi doonaan mooshin la xiriira arrimaha Doorashada Dalka, iyadoo ay jirto cabsi ah in ay ku dhawaaqaan go’aamo keeni kara halis wayn iyo qalalaase kasii daran midka haatan oogan.
Kooxaha mucaaradka ah ayaa xalay ka hadlay arrintan haatanna mar kale shir jaraa’id qaban doona, iyagoo cod dheer uga digaya in aan lagu dhaqaaqin wax muddo kororsi ah, taasoo ay beesha caalamkuna horay uga digtey.
Saaka ayay arrintu cirka isku shareertay markii uu Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir sheegay inuu hakiyey kulankan, isagoo ku baaqay in aan dalka dhibaato loo horseedin, balse waxaa markiiba soo baxay war sheegay in xilkii laga xayuubiyey Jen. Saadaq John.
Hadalsame Media