DEG DEG: Saadaq Joon oo xilkii laga xayuubiyey & waxa ay arrintani muujinayso

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Woxoogaa kahor Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa shir jaraa’ud oo uu qabtay ku sheegay inuu hakiyey kal-fadhi uu maanta yeelan lahaa Baarlamanku.

Yeelkeede, war haatan kasoo baxay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in xilkii laga xayuubiyey.

”Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John),” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliyaha.

”Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.” ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayaa muujinaysa tarrar iyo dildillaac ka muuqda nidaamka haatan jira oo isaga oo uu waqtigii ka dhamaaday aan weli wax heshiis ah oo la isku raacay ka keenin doorashada dalka. Saadaq ayaa ka mid ahaa dadkii ugu daacadsanaa nidaamka haatan jira.

Hadalsame Media