DEG DEG: Baarlamanka oo laalay Heshiiskii 17-kii Sebt. isla markaana sallaxay ku darsi 2 sanadood ah (Akhri)

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci si gaar ah u jiheynaya Doorashooyinka Heer Federaal kaasoo ku dhisan qaab qof iyo cod ah, waxaa sidoo kale lasoo celiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka.

Qodobka 5-aad ee sharcigan gaarka ah ayaa waxaa ku cad in mudada la doonayo in doorashada lagu qabto ay noqonayso muddo 2 sanadood ah, taasoo weliba ka bilaabmaysa kaliya marka uu saxiixo MW Farmaajo.

Sharcigan oo ah midka la doonayo in Baarlamanka la mariyo ayaa ka kooban ilaa 5 bog oo ay ku faahfaahsan yihiin jidka loo marayo qabashada doorashada, iyadoo qiil looga dhigayo in ay socon waayeen heshiisyadii hore sida midkii 17-kii Sebt. ee sanadkii tegey.

Sharcigan ayay u badan tahay inuu yahay midka ay marba moowduuc kale ugu soo gabanayaan Baarlamanka oo mar sheegay inay Covid-19 2 sano jirsadey ka doodayaan.

Hadalsame Media