(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci si gaar ah u jiheynaya Doorashooyinka Heer Federaal kaasoo ku dhisan qaab qof iyo cod ah, waxaa sidoo kale lasoo celiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka.
Qodobka 5-aad ee sharcigan gaarka ah ayaa waxaa ku cad in mudada la doonayo in doorashada lagu qabto ay noqonayso muddo 2 sanadood ah, taasoo weliba ka bilaabmaysa kaliya marka uu saxiixo MW Farmaajo.
Sharcigan gaarka ah oo Aqalka hoose ee Baarlamanka la mariyey ayaa waxaa durba soo dhowsey Madaxtooyada oo ah cidda howshan agaasintey kana dambeysey, muddo 2 sanadood ku dhowna arrintaa ku taamaysey.
SIDA AANAY TILLAABADANI ANSAX KU AHAYN
1 – MW Farmaajo waxaa wada doortay labada aqal ee midka hoose ee go’aankan haatan soo saaray iyo midka sare, sidaa darteed, go’aan kasta oo muddo kordhin ah waa inay ugu yaraan u dhan yihiin labada aqal, marka waa in sidoo kale la marsiiyaa Aqalka Sare. Waxaa meesha ku sii jirta in uu waqtigu ka dhacay Baarlamanka.
2 – Mabda’ ahaan, heshiis kasta oo lagu maamulayo siyaasadda dalka waa in heshiis siyaasadeed laga gaaraa, haddii kale wuxuu noqonayaa mid ay hal dhinac gaareen.
3 – Arintan waxaa sida cad kasoo horjeesan doonta beesha caalamka, taasoo wiiqi karta fursadaha ay ku hirgeli doonto muddo kororsi hal dhinac ah, iyadoo aan la indha tiri karin muhiimadda beesha caalamka oo ah kuwa bixiya kharashaadka DF iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta ah.
4 – Waxaa tillaabadan diidi doona Musharrixiinta, mucaaradka guud iyo Maamul-goboleedyada qaar sida Puntland iyo Somaliland, taasoo keeni karta in uu noqdo ku darsi aan dalka oo idil wada khuseeynin, taasina waa nasiib darro siyaasadeed oo hor leh.
Waxaa wanaagsan in damaca caqli iyo talo lagu daro oo wax yar oo ay dhici karto inay hal qof u roon yihiin aan lagu baabi’in maslaxada guud ee dalka, waxaana fiican in iyada oo la is dejinayo mucaarad iyo muxaafidba arrintan loo wajaho sida ugu fiican ee loo furdaamin karo.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media