Nin uu diley kursigii uu ku fadhiyey isaga oo sineemo la daawanaya xaaskiisa (Xukun la ridey & sida ay wax u dheceen?)

0

(Birmingham) 11 Maarso 2021 – Sineemo wayn oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa qiratay khalad farsamo kaddib markii uu kursi ka mid ah kuwa korontada ku shaqeeya ihi uu nin saneemada ku dhex diley.

Shaneemada Vue ayaa raalli gelin bixisay kaddib markii uu dhintay Ateeq Rafiq, 24-jir, oo ku sugnaa Star City oo ku taalla magaalada Birmingham.

Dadka ayaa ku guuldarraystay isku day lagu doonayey in Rafiq kursiga looga fujiyo, balse waxaa durba gaarey dhaawacyo halis ah bishii Maarso 2018-kii.

Sharikadda arrimaha madadaalada ka shaqaysata ee Vue Entertainment Ltd oo ay sineemadani hoos tagto ayaa haatan waxay Maxkamadda Birmingham Crown Court ku heshay inay ku keceen laba dembi oo mid yahay caafimaadka midna badbaadada, maadaama ay dadka naftooda iyo caafimaadkooda halis geliyeen iyaga oo adeegsanaya kuraasi korontaysan, isla markaana aanay diyaarin qorshe 2-aad wax lagu badbaadiyo haddii lacalla dhib yimaado min Jannaayo 1, 2007 iyo Maarso 9, 2018.

SIDEE WAX U DHECEEN? Ninka dhintay oo ahaa aabbe hal caruur ah leh ayaa xaaskiisa sineemada la yimid 4.30pm 9-kii Maarso 2018-kii, iyagoo tikid u jartay qaybta Gold Class, shaashadda 17.

Lamaanaha oo reer Aston ahaa ayaa kala fariistay C5 oo Rafiq ku dhiman doono iyo C6, deeto dhamaadkii film-ka wuxuu dareemay in ama fure ama mobayl hoos uga dhacay, balse markii uu raadintii bilaabay isagoo ku hoos jira caga saarta kursiga, waxaa howl iska galay kursiga iyadoo ay caga saartu ku dul fariisatay.

Xaaskiisii Ayesha Sardar ayaa isku dayday inay caga saarta sare u jiiddo, balse markii ay taasi dhici waydey waxay u yeertey shaqaalihii saneemada oo 10-15 daqiiqadood la hardamayey, iyadoo ay shaqayn waayeen badhanadii kursigu, balse ugu dambayn waa ka fujiyeen.

Kooxaha caafimaadka ayaa goobta soo gaarey 7.55pm iyagoo Rafiq ula rooray Heartlands Hospital halkaasoo uu ku dhintay 16-kii Maarso oo ah 7-aad isagoo eersaday xaaladda hypoxic oo ah inay maskaxdiisu muddo ogsijiin la’aan ahayd.

Maxkamadda ayaa haatan sineemada ku xukuntay dayacaad iyadoo sheegtay in haddii la dayactiri lahaa kuraasida aysan arrintani dhacdeen, iyadoo ay sharikadda sineemada lihi khaladkeeda qaadatay, sida lagu faafiyey BBC.

Hadalsame Media